Silsilad ka mid ah |
Cuntooyinka |
---|
Noocyada Cuntada |
Cuntada La Cuno |
Cunto Fudud |
Sukhaar (Af Ingiriis : diced meat, beef cubes; Af Carabi : ar) waa hilib loo jarjaray si afargees yaryar ah, kaasi oo lagu darsado cuntada.[1] Hilibka sukhaarka waxaa laga diyaariyaa jiidhka digaaga ama jiidhka xoolaha, hadba kii laga diyaariyo ayaa magac ahaan loo yaqaana. Tusaale ahaan, hadii aad makhaayad gasho ood sukhaar dalbato waxaa caan ah in lagu weeydiiyo nooca suqaar aad rabto.
Hilibka sukhaarka waa la shiila ama lagu dhex kariyaa suugo.
Silsilad ka mid ah |
Cuntooyinka |
---|
Noocyada Cuntada |
Cuntada La Cuno |
Cunto Fudud |
Si la mid ah shacabka caalamka, bulshada Soomaalidu waxay isticmaalaan noocyada kala duwan ee sukhaarka, gaar ahaan wakhtiyada arooska, xaflada, dabaaldegyada, ciidaha iyo maalmaha la baashaalayo. Inta ugu badan waxaa lagu darsadaa cuntooyinka wakhtiga quraaca, qadada iyo cashada, laakiin wakhtiyadu intaas kuma koobna. Noocyada wasladu ee deegaanada Soomaalida ku caanka ah waxaa ka mid ah xaniidka iyo waslada cad. Dadka Soomaalidu waxay waslada ku diyaariyaan hilib, khudaar, milix, saliid, biyo iyo xawaash kuwaasi oo si xirfad leh loo karkariyo ilaa ay gaadho heer nooca loogu talogalay ah.