Nooca | Rooti fidsan |
---|---|
Asal ahaan | Jabuuti, Soomaaliya, iyo Yemen |
Ka kooban | daqiiq cad, khamiir, biyo, yeast, milix |
Sidoo kale fiiri: Cunto Soomaali • Cunto • Raashin (Qureec, Qado, Casho) |
Malawax (Af Carabi : ar; Af Ingiriis : malawah) waa cunto ka mid ah canjeerada taasi oo laga cuno deegaanda Jabuuti, Soomaaliya, iyo Yemen.[1][2] Sidoo kale, malawaxa waxaa laga cunaa wadano ka mid ah Bariga Dhexe, halkaasi ooy geeyeen dad ka qaxay wadano Geeska Afrika ah.[3] Malawaxu wuxuu la mid yahay canjeerada cuntada Soomaalida, waxay kaga duwan tahay malawaxu ma lahan khamiir badan sida canjeerada waxaana lagu daraa saliid, subag, sonkor iyo malab; ama noocyo kale oo xawaash iyo khudaar ah.
Deegaanada Waqooyiga Soomaaliya iyo Jabuuti, malawaxu wuxuu ka mid yahay qureeca dadka ee maalin kasta. Sido kale malawaxa waxaa lagu daraa suugo, subag, shaah, bun iyo saliid macsar. Dhinaca kale, loxooxda waxaa laga isticmaala wadanka Yamanta, halkaasi oo lagu iibiyo wadooyinka dhamaan magaalooyinka wadankaasi.[4]
Malawaxa waxaa laga diyaariyaa daqiiq lagu qasay fixiso, khamiir, biyo diiran, yeast iyo milix taasi oo si fiican loo garaaco (tumo) si ay iskudhexgalaan iskudarkaasi, ka dib meel la dhigo mudo saacado ah si ay u khamiirto.[5] Sida ugu badan daqiiqda laga diyaariyo malawaxa waxaa laga sameeyaa garowga.[6]
Malawaxa waxaa lagu dubaa bir wareegsan oo loogu talogalay taasi oo loo yaqaano daawo. Wadanada qaar, gaar ahaan qurbaha waxaa la isticmaala maqle.
Sida caadiga ah, malawaxu waxay ka mid tahay qureec iyo cashada meelo badan oo dadka Soomaalidu ku dhaqan yihiin. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar xataa ku qadeeyaan laxooxda. Sidoo kale, loxooxda waxaa lagu darsadaa subag, malab ama suugo iyo koob shaah ama bun ah. Laxooxda la cuno wakhtiga qadada waxaa lagu darsadaa suugo ama maraq.[7]
|ciwaan=
ignored (caawin)
|ciwaan=
ignored (caawin)
|ciwaan=
ignored (caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |