Khudaar'

salad buuxda oo noocyo badan oo khudaar ah ku jiraan.

Khudaar' (Ingiriis: Vegetable) waa midho ka baxa dhirta kuwaas oo lagu darsado cuntada.

Khudaartu way ka duwan tahay midhaha, sababtoo ah midhuhu waa cunto bisil oo in la kariyo u baahnayn, laakiin inta u badan khudaarta waa in la kariyo ka hor intaan la cunin.

Khudaarta maalin walba dadku isticmaalaan waxaa ka mid ah: basasha, tamaandhada, barandhaha, saladhka, toonta, kaarootka, besbaaska, iyo kuwo kale oo badan.

Midhaha firileeyda ah ee yaryar, sida bariiska iyo qamadiga lama odhan karo waa khudaar, sababtoo ah waxaa loo yaqaanaa firileey.

Maqaalkan waa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawi Wikipedia in aad Wax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.