Kalandarka Islaamka |
---|
Bilaha |
Muxarram (Af Carabi : ar muḥarram) waa bisha koowaad ee Kalandarka Hijriga. Sida caadiga ah, bisha Muxaram waxay ka tirsan tahay "Bilaha Barakaysan".[1][2][3] Bishani waxay ku dhamaataa 30 maalmood.
Bisha Muxaram waa bisha koowaad ee maalintiriska Hijriga ah. Taasi macnaheedu waa bilowga "Sanadka Islaamka". Ereyga "Muxarram" macnaheedu waa "la mamnuucay". Waxaa bishan loo yaqaana ineey tahay tan labaad ee ugu barakaysan; waxaa ka fadli iyo barako badan kaliya Bisha Ramadan. Qaar ka mid ah Muslimiintu waxay soomaan sadex cisho. Sidoo kale, maalinta tobanaad ee bishani waa "Maalinta Cashuura", taasi oo dadka Shiicada ah xusaan.[4]
Sida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.
Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudi Carabiya[5]):
Miilaadi | Biloow | Dhamaad |
---|---|---|
1431 | 18 December 2009 | 15 January 2010 |
1432 | 7 December 2010 | 4 January 2011 |
1433 | 26 November 2011 | 25 December 2011 |
1434 | 15 November 2012 | 13 December 2012 |
1435 | 4 November 2013 | 3 December 2013 |
1436 | 25 October 2014 | 22 November 2014 |
1437 | 14 October 2015 | 12 November 2015 |
Wakhtiyada bilaabmeyso bisha Muxaram ee sanadaha 2009 ilaa 2025 |
Kalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).
Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.
Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[6]
|ciwaan=
ignored (caawin)