Bisha Soon

Soon, Ṣawm (Af Carabi : ar‎) ; (sidoo kale loo yaqaano ṣiyām صيام) waa erey Af Carabi ah kaasi oo macnaheedu tahay "Af-xidhnaansho" Ilaahay dartii iyo in ajir iyo xasanaad uu helo qofka soomani[1].

Dadka Islaamka ah waxay soomaan Bisha Ramadan (bisha 9aad) ee Kalandarka Islaamka. waa bil Ramadan oo micnaheedu yahay in bisha ramadaan maalinteeda wax la cunin.

Hordhac

Diinta Islaamka oo caqiido dhab ah, ayaa waxay ku caan baxday ilaalada masaalixda aadamiga. Arintaas waxay ku soo koobtay, qof kasta oo ku abtirsada bulshada aadamiga, in la dhowro hanatidiisa, sharafkiisa, naftiisa wakhtigiisa iyo caafimaadkiisa. Wax kasta oo dhaawac u geysanaya mid kamid ah arimahaas, diinta Islaamku waa ay reebtay. Waxay ka dejisay xeerar adag oo ilaalinaya inaan lagu cayaarin. Islamarkaa Islaamku wuxuu soo dhoweeyay wax kasta oo arimahaas hagaajinaya. Bal cibaado ayuu ka dhigtay, Eebe xaggiisa lagaga helayo dhowaansho iyo abaal-gud.  

Caafimaadka jirka aadamiga, waa maslaxadda 1-aad oo diinta Islaamku ay qofka iyo bulshada u ilaalisay. Nicmadaha Eebe uu ku manaystay aadamiga, midka ugu hilan culus waa caafimaadka. Sidaa darteed in la dhowro waa waajib uu islaamku goor hore dalbay. Ilaalada caafimaadka, danta laga leeyahay waxay tahay in qofku uusan gabin ujeeddadii loo abuuray ee keentay uunka, taas oo ah, fal cibaado iyo mid cilmi ah in uu ku camiro dhulka. 

Si haddaba loo dhowro nicmaddaas milgaha weyn, Eebe wuxuu inoo dooray waddadii lagu ilaalin lahaa. Soonka bisha Ramadaan ayaa wuxuu yahay cibaado kamid ah tiirarka lagu joojiyay waajibaadka diinta Islaamka. Islamarkaa, soonku waa mashruuc culus oo ilaalinaya caafimaadka qofka iyo bulshada. Waxaa la ogaaday in caafimaadka qofku, uu la xiriiro hab-dhaqameedka uu ku nool yahay. Talooyinka taraakhiitarta, howlaha kalkaaliyayaasha, qalabka loo adeegsado daweynta, dawooyinka iyo hay'adaha caafimaadka, ilaha ka hor-tagga cudurada, dhamaantood doorka ay ka qaataan caafimaadka qofka iyo bulshada, ma dhaafsiisna 80 %. Bulshada aqoonta leh, xubnaheeda waxay ka caafimaad badan yihiin bulshada aqoonta liidata. Bulshada hodanka ah, waxay ka caafimaad sareysaa bulshada saboolka ah. Bulshada baraaruggeedu sareeyo, waxay ka caafimaad wanaagsan tahay bulshada huruda. Run-badanaha aanan weedhiisa la beenin, Suubane Maxamad (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee), goor hore ayuu  inoo tilmaamay xiriirka adag ee ka dhexeeyo soonka iyo ilaalada maslaxadda caafimaadka. Isagoo arinkaa ka hadlaya, wuxuu yiri : 

" Sooma' aad caafimaaddeene ".

Weedhan kooban waa ooraah-cilmiyeed. Si xooggan ayay u tilmaamaysaa dhab ahaanta risaaladda uu la yimid adeegaha Eebe Maxamad (sh.n.d.a.). Ereygaasi maahan ooraah ka iman karta qof aan wax akhriyin waxna qorin. Sidaa darteed ooraahdan, waa mid dhoobo afka kaga dhufanaysa kuwa xaasidnimada iyo xiqdiga u geeyay in ay ku hadaaqaan in nebigii islaamka aanan laga dhaxlin wax kheyr ah iyo wax caqligu waafaqo. Ooraah kooban weeye oo kheyr badan xambaarsan, islamarkaa ku dhisan aqoon asraarteeda la ogaaday qarnigii 20-aad.  

" Badanaa mid sooman, kaas oo aanan soonkiisii ka heleyn wax dhaafsiisan gaajo iyo haraad ".

Waxaa halkaas ku cad qiimiga ay leedahay ooraahdii suubaneheenii Maxamad (sh.n.d.a.) ee ahayd (Sooma aad caafimaaddaane). Waxaa kaloo ku cad, in ooraahdu tahay risaalad looga soo dhiibay xagga Eebaha xeer dejiyaha, wax walba ogaha, la keli noqday saamiga iyo talada. 

Suuradda Al-Baqara, aayadda 184-aad, waa aayadda xustay waajibnimada soonka. Aayadda xigta (185-aad), waxaa lagu xusay dad loo cudur daaray oo dhibaato haysa darteed looga saamaxay in ay soomaan bisha Ramadaan. Isla aayaddaas dhamaadkeeda ayaa Eebe wuxuu ku leeyahay hadal macnihiisu yahay sidan : 

" ……………. inaad soontaan ayaa idiin wanaagsan, haddaad tihiin kuwo wax garanaya ". 

Xataa haddii uu jiro cudur-daar lala afuro, waxaa u wanaagsan qofka in uu soomo. Waayo soonka isaga ayaa caafimaadka xoojinaya, cuduradana ka hor-tegaya. Eebow adigaa ku mahad leh nicmadahaaga aan la koobi karin. Adigaa ku mahad leh diintaada aad nagu galladday. Adigaa ku mahad leh inaad noo dooratay umaddii nebigaaga Maxamad ah (sh.n.d.a.).[2]

Carafada

waxaa jirto axaadiis ka hadasho maalinta carafada oo sabtiga ku aadan.waxaa jiro xadiis dhahaayo "Ha soomina maalinta Sabtida Soon la idinku waajib yeelay mooyee, hadduusan helina midkiin qolof canab mooyee ama laan geed ha iska calaanjiyo" Waa Xaddiis sugan.Wuxuu ku yiri al-Muxaddis al-Faqiih Sheekh Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani -Eebbe ha u naxariistee- isagoo ka hadlaya Xaddiiskan kitaabkiisa la yiraahdo "tamaam" bogga 406 "In loo fasiro Xaddiiska in loo diidayo soonka sabtida keli ahaantiisa wuxuu ka hor imaanayaa hadalka Rasuulka c.s.w. ee uu leeyahay: "In la idinku waajib yeelay mooyee".Sidoo kale waxaa jira Axaaddiis laga dhadhansanayo macnahooda in la soomi karo, sidaas darteed waan iswaafajin karnaa oo kulmin karnaa Xaddiiskan iyo Axaaddiista kale haddii aan doonayno inaan raacno Qawaacidda cilmiga ee ku qoran kutubta Usuusha sida:

1.Culimada Usuusha oo yiraahda hadday iska horyimaadaan Axaaddiista midna oggolaanaya midna diidaya, waxaa la qaadanayaa midka diidaya oo waa laga tagayaa midka oggolaanaya.

2.Hadday iska horyimaadaan Axaaddiista ka hadlaysa Nebiga c.s.w. wuxuu yiri iyo wuxuu sameeyay, waxaa la qaadanayaa Nebiga c.s.w. wuxuu yiri oo waa laga tagayaa wuxuu sameeyay.


Qofkii u kuurgala Axaaddiista ka hor imaanaya Xaddiiskan aan kor ku soo sheegnay, waxaa u soo baxaysa inay yihiin laba jaad:

1.Nebiga c.s.w. wuxuu sameeyay iyo soonkiisii.

2.Nebiga c.s.w. wuxuu yiri sida Xaddiiska "ibnu camru".

Waxaana muuqda oo iska cad labada Xaddiisba waa la soomi karaa, kolkaasoo in la kulmiyo Axaaddiista oggolaanaya iyo Xaddiiska diidaya waxay noqonaysaa haddii aan dabbaqno Qaacidada Usuuliga inaan qaadano Xaddiiska diidaya maxaa yeelay waa kii diidayay, Xaddiiska kalena waa kii oggolaanayay. Sidoo kale wuxuu Nebigu c.s.w. ku yiri Juweyriya: "Ma doonaysaa inaad soonto beri". Macnihiisuna yahay in loo oggol yahay sidoo kale, waana laga tagayaa Xaddiiskan oggolaanaya oo waxaa la qaadanayaa Xaddiiska diidaya sida ay oranayso Qaacidada Usuuliga ee aan kor ku soo sheegnay.

Tixraac

  1. Islām—The Way to God by Submission (en)
  2. "somolidoc.com". Waxaa laga kaydiyay the original 2015-06-23. Soo qaatay 2016-06-11.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)