Walaal

Walaal (ingiriis: sibling) waa wiilka iyo gabadha ay qof waalidkiis dhaleen. Gabdha qof la dhalatey ee walaalka la ah waxaa loo yaqaanaa abaayo, halka wiilka lagu magacaabo aboowe. Ereyada noocan ah waxaa inta badan laga isticmaalaa badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya, laakiin waqooyiga deegaanada dadlka Soomaaliya intaba waxaa lagu magacaabaa "walaal".

Walaaluhu waxay noqon karaan kuwo waalid isku mid ah dhalay (hooyo iyo aabo), waxaa laga yaabaa in hal waalid kaliya dhalay sida ilmo isku hooyo ah laakiin labo aabe kala leh; ama caruur isku aabo ah laakiin labo hooyo kala dhaleen. Dhamaantood waxay noqonayaan dad walaalo ah.

Qoraalo La Mid Ah

Xigasho

Maqaalkan waa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawi Wikipedia in aad Wax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.