![]() |
Qeyb ka mid ah silsilada |
Fanka Soomaalida |
---|
Fanka iyo Suugaanta |
Masraxa |
|
Qeybaha Heesaha |
|
Heeso Dhaqameed |
Qalabka |
La Xidhiidha |
Qaaci (Af Ingiriis : bossa nova {fiirogaar}) waa nooc ka mid ah heesaha Soomaalida taasi oo leh dhandhan ka duwan noocyada kale ee Suugaanta. Qaacigu waa hees caadi ah oo loo tumayo kaban ama gitaar, durbaan iyo sacab kali ah. Mararka qaar waxaa muusiga qaaciga lagu daraa turunbo. Heesaha qaacigu waa kuwo degan, dhandhan fiican leh, oo inta ugu badan si sahlan loo sameeyo.
Fanka Soomaalida waxaa in badan ku jira heeso qaaci ah oo la sameeyay wakhtiyo la baashaalayo.
Guud ahaan heesaha aan maanta naqaano ee Af Soomaaliga lagu qaado waxay soo bilaabmeen 1930meeyihii. Taas macnaheedu ma ahan in dadka Soomaalida heesta aqoonin wixii ka horeeyay 1930kii, laakiin Waxaa wakhtigan bilaabmey heesaha leh muusiga, kabanka, durmaanka, turunbada iyo wixii la mid ah.
Heesaha la qaadi jiray ka soo biloow 1930meeyihii ilaa laga soo gaadho 1970kii waxaa sida guud loo yaqaanaa qaraami, halka kuwa wakhtiyadii 70aadki ka dambeyay isla markaana kaban loo garaacayo loo yaqaano qaaci.
Waxa hubaal ah in qofkasta ku khalkhalayo farqiga qaaci iyo qaraami. Qaacigu waa nooc ka mid ah heesaha kuwaasi oo la qaado ayadoo (fanaanku) fadhiyo, loo garaaco sida badan kaban iyo sacab kali ah, laakiin qaarkood lagu daro durmaan ama narso iyo turunbo. Si taasi ka duwan, qaraamiga Waxaa la garaacaya noocyo badan oo qalabka muusig ah, fanaaniintu way taagan yihiin ciyaarayaan (isruxayaan) ama way fadhiyaan.
Heesaha hoos ku xusan waa kuwo dhowr jeer oo kala duwan la qaaday. Waxaa laga yaaba inaad aragtey heesta oo leh muusig ama la soo cusboonaysiiyay. Kuwa aan halkan ku soo bandhigay waa nooc qaaci ah.
![]() |
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |