Xisbiga Midowga Soomaaliweyn (Af Ingiriis : Greater Somalia League, (GSL)) wuxuu ahaa xisbi siyaasadeed ka shaqayn jiray wadanka Soomaaliya.
Xisbiga Midowga Soomaaliweyn wuxuu ka samaysmay hadhaagii Xisbigii SYL; waxaa hogaan u ahaa Xaaji Maxamed Xuseen.[1]
Tan iyo wakhtigii dadka Soomaalidu qaateen xoriyada waxaa jiray xisbiyo siyaasadeed. Sanadkii 1969kii ayaa waxaa talada wadanka la wareegay Golaha Sare Kacaanka (SRC) kuwaasi oo dhowr nooc oo xisbiyo ah soo bandhigay; sida Xisbigii Kacaanka Hantiwadaaga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa wadanka Soomaaliya ugu horeeyay Xisbiga SYL, kuwaasi oo ahaa xisbigii la dagaalamay gumaystihii wadanka.[2]
Markii Jaale Siyaad Barre la wareegay talada wadanka, waxaa meesha ka baxday dhamaan xisbiyadii bulshada ee madaxa banaanaa, wakhtigaasi oo wadanka Soomaaliya iskubedelay nidaamka shuuciyada[3] ee laga keenay wadanka Ruushka iyo Shiinaha. Ka dib, markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee wadanka sanadkii 1991kii ayaa waxaa meesha ka baxday dhamaanba nidaamkii dowladnimo ee wadanka Soomaaliya.[4] Si kastaba ha ahaatee, dadaalo badan oo dawlad dhisid ah ka dib waxaa Soomaaliya dib uga soo noolaaday nidaamka xisbiyada kuwaasi oo ilaa maanta daciif ah.[5]
|title=
(caawin).
|ciwaan=
ignored (caawin)
|title=
(caawin)