Amiir gaazi ardogrol bek bin suleymaan shah al tukumaani (afka carabiga: الأميرُ الغازي أرطُغرُل بك بن سُليمان شاه القايوي التُركماني) (afka turkiga: Ertuğrul Gazi) macno ahaan magaca wuxuu iska saaran yahay erayga "Er" oo macnaheedu yahay qof halyeey ah [1] iyo erega "tuğrul" oo laga wado dafada oo ka mid ah shimbiraha wax ugaarsado awoodna leh [2]
Ardogrol | |||||
---|---|---|---|---|---|
Kaabaha qabiilka kaay | |||||
Tenure | 1230-1281 | ||||
Xilka kaga horeeyay | Suleymaan shaah | ||||
Xilka kaga dambeeyay | Cusmaan gaazi | ||||
Dhashay | 1191 Khilaad | ||||
Dhintey | 1280 Sogut | ||||
Xaaska | Xaliima khaatuun | ||||
| |||||
Aabo | Suleymaan shaah | ||||
Hooyo | Hayma khaatuun | ||||
Diinta | Islaam suni، xanafiya، |
Waa aabaha cusmaan gaazi aasaasaha dawlada cusmaaniyiinta
Wax badan lagama oga taariiqdiisa
waxay ka soo jeedaan aasiyada dhexe, Waana qabiil turki ah oo la yiraahdo kaay, waxay dagi jireen buuraha altaay iyo bada qazwin inta u dhaxeyso, duulaamadii tataarka awgeed ayee uga soo qaxeen dhulkooda, waxay dageen meel u dhaw magaalada khilaad, mudo kadib duruufo jira awgeed waxay u guureen darta dijla, halkaas ayuu ku dhintay kaaba qabiilkood suleymaan shaah, qabiilka wuu qeybsamay ardogrol oo ahaa mid ka mid ah wiilasha suleymaan shaan iyo inti raacay waxey u guureyn magaalada arzanjaan, wuxey la kulmayn dagaal u dhaxeeyay salaajiqada oo hugaaminaayay calaaudiin iyo khawaarzimiyiinta, ardogrol wuxuu la saftay oo taageeray calaaudiin,[3]calaaudiin wuxuu ugu abaal guday ardogrol inuu dajiyay meelo u dhaw ankara, ardogrol garab istaagiisa ayuu siiwaday markii dambe suldaankii salaajiqada ayaa siiyay mandiqada sogut ee xuduudka biriizanda,[4] wuxuuna u magacaabay ilaaliyaha xuduudka,[5] ardogrol ayaa ku qaaday weeraro badan dhulka biriizanda, dhufeesyo qaar ayuu ka qabsaday wuxuu dhintay sanadii 1281[6]
Sogut waxaa ku yaalo qabuuro loo nisbeeyo ardogrol iyo wlaalihiisa
musalsalka qiyaamatu ardogrol uu soosaaray maxamad buuzdaag ayaa lagu soo bandhigay taariqda ardogrol waxaana matalay booska ardogrol jilaaga anjiin altaay
<ref>
tag; no text was provided for refs named كوبرولي
<ref>
tag; no text was provided for refs named محمد سهيل